Language: English | Indonesian | 日本語 | Tagalog | Tiếng Việt
Upload photo Show recent photos
Upload video Show recent videos
Submit new post Show recent posts
Start a new group
My page My account My picture Change password



Signup

The Suure Dir

The Suure are one of the most widespread Dir groups who occupy Central Somalia and Westren Somalia. Also they are presented in the Doolo- Mandheere, Kismayo and Nfd.The Suure clans are reputed to be the religious learders in communities of central Somali hence the title Fiqi is used by these Dir who were masters of the Qadiriya orders and spreaded the faith as far as the NFD and Nageele region in Southren Ethiopia. The Fiqi Muxumed, Fiqi Cumar, Fiqi Walaal, and the Gadsan are all regarded as saintly clans who spreaded the faith amoung the Rahanweyn, and central Somali clans. Suure Dir are divided into Cabdalle and Qubeys. Qubeys- Reertoleh, Siinwaaq, Tolweyn. Cabdalle-- Afarta Cabdalle iyo adeerkood Habr Deel 1)Cabdi Cabdalle 2)Gorad Cabdalle 3)Nacdoor Cabdalle 4)Saleeban Cabdalle Sagalka Samater Muse * Reer Agoon * Reer Dabac * Fodcade, Cumar,Bayr, Siyad, posted to Warsame Awad's Channel. at Wed Jan 28 19:05:06 EST 2004 by Warsame Awad.

Comments

Baaq Ka Dhan ah Dagaalka Ka Dhacay Degmada Gaalkacyo Posted to the Web July 03, 2002 Fadlan Kala Xiriir: Xildhibaan Mahad Cabdalle Cawad mahadot@yahoo.com WAR-SAXAAFADEED ANNAGA oo ah aqoonyahanno iyo indheergarad ka tirsan beelaha Sacad (Habargidir) iyo Surre (Dir Koonfurreed) oo ku kalsoon in aanu ka tarjumayno rabitaanka xubnaha beelaha aanu ka soo jeedno ee ku sugan dalka Canada; dareensan burburkii iyo dhibaatooyinkii ay ummadda Soomaaliyeed ka dhaxashay dagaal beeleedyadii ka dhacayey deegaanada dalkeenna; qadarinayna cawaaqib-xumada ka dhalan karta colaad baahda oo aan degdeg loo soo afjarin; xusuusan waajibka Islaamiga ah ee naga saaran ka qayb qaadashada xalinta khilaafaadka dadkeenna; dhowrayna duruufaha adag ee uu dalkeennu guud ahaan ku sugan yahay: WAXAAN si buuxda u cadaynaynaa in aanu ka soo horjeedno dagaalka ka dhacay degmada Gaalkacyo, dagaalkaas oo laga dhaxlay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur saameeyey dad iyo duunyaba; WAXAAN tacsi u diraynaa qoysaskii walaalaha ahaa ee waxyeeladu ka soo gaartay dhibaatadaasi; WAXAAN ugu baaqaynaa shacbiga deegaankaas wada deggen ee colaadu dhex martay xabad joojin, deegaankana laga saaro hubka waaweyn, isla markaasna si degdeg ah xal dhab ah looga gaaro khilaafka; WAXAAN ku dhiirigalinaynaa oday-dhaqameedyada, indheergaradka,aqoonyahanada, iyo culima’udiinka ka soo jeeda deegaankaasi in ay dardar galiyaan soo afjarida khilaafkan waxyeelada farabadan gaarsiiyey shacbi danyar ah duruuftii dowlad la’aanta iyo abaartu ugu darsantay colaadan sokeeye. WAXAAN ugu baaqaynaa in ay hay’adaha caalamiga ah gargaar degdeg ah ugu fidiyaan shacbiga deegaankaas ka soo baro-kacay iyo kuwa biyo la’aanta u liita. BEESHA SACAD (HABARGIDIR) BEESHA SURRE (DIR KOONFUREED) Mahad Cali Xaashi Nasir Cabdi Baalle Nuuradiin Maxamed Maxamuud Maxamed Cali Aadan Cusmaan Ducale Kaahiye Saciid Axmed (Siciid Soona) Diini Nuur Shaadali (Jucufo) Abshir Diini Xassan Abshir Xildhibaan Mahad Cabdalle Cawad Dr. Cabduqaadir Maxamuud Guuleed Dr. Cismaan Yuusuf Maxamed (Jirfe) Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Cilmi Sh. Mahad Max’ed Cali Wardheere Sh. Maxamed Sh. Cabdulaahi Maxbuub Cabdulaahi Xasan Aadan Jibriil Maxamed Siciid Dr. Axmed Xuseen Gurey

(Posted by guest: From News sources)
posted to The Suure Dir. at Wed Feb 25 13:28:40 EST 2004.
Reply
Inter-clan fighting kills about 65 in Somalia Sacad /Reer Agoon (saleeban cadalle) MOGADISHU - Fighting between rival clans in southern and central Somalia has killed around 65 people in the past week, residents and radio reports said on Sunday. Eyewitnesses said several hundred heavily armed militiamen had been fighting in the central Mudug region for the past few days, killing at least 45 people and injuring many more, mostly civilians. The fighting between the Dir and Sacad clans spread to at least 10 villages within a 20 km (12 miles) radius of Galcaio, a town some 570 km (350 miles) north of the Somali capital Mogadishu. Panicked residents fled their houses as a result of heavy shelling on both sides. It was not immediately clear what sparked the fighting. Some residents said it was linked to the recent killing of a Sacad businessman by members of the Dir tribe. A Sacad leader told Reuters the fighting appeared to be subsiding on Sunday morning, after tribal leaders agreed on a ceasefire. http://www.khaleejtimes.co.ae/ktarchive/280102/theworld.htm

(Posted by guest: Xirsi Quule)
posted to The Suure Dir. at Wed Feb 25 14:24:21 EST 2004.
Reply
COME TO AWDAL NEWS http://www.awdalnews.com/wmview.php?ArtID=1919 December 17, 2003 - 16:13 SOMALIA: Over 60 killed as fighting resumes in central region NAIROBI, 17 Dec 2003 (IRIN) - At least 60 people were killed and another 90 wounded in renewed fighting on Tuesday in the northwest of Galgadud Region, according to local sources in the regional capital, Dhusa-Mareb. The latest fighting broke out on between the Darod subclan of the Marehan and the Dir subclan of Fiqi Muhumud, and was concentrated in and around the village of Herale, some 80 km northwest of Dhusa-Mareb, said Nur Mu'allim Dhere, a member of the Dir clan. Last month Herale, which is populated by the Fiqi Mahmud, was also the scene of serious fighting between the two sides which left over 50 people dead. Nur told IRIN that in the latest clash, 18 fighters on his side had been killed and 29 wounded, while the other side suffered 25 deaths. Sources in Abud Waaq, 40 km west of the Herale, where the Marehan have taken their casualties, told IRIN that at least 30 dead and 70 wounded had been brought in. According to sources from a neutral clan in the area, what started out as "revenge killings" had now flared up into a "fully-fledged land war". "Basically, the Marehan want the Fiqi Muhumud out of the area, and until one group gives up, the fighting will probably continue," the sources said, adding that heavy weapons had been used in Tuesday's fighting. Intensive mediation efforts on the part of elders and religious leaders from neutral clans seem to have failed. "We have been unable to bring the two sides together to start talking," said Ilmi Hirsi, a clan elder. "However, we are persevering with our efforts and hope that cooler heads will prevail." The situation was reported calm on Wednesday, with both sides burying their dead and taking the injured to hospitals. (Posted by guest: Awdal News) [Reply][View Thread]

(Posted by guest: Xirsi Qule)
posted to The Suure Dir. at Sat Feb 28 14:57:02 EST 2004.
Reply
*Madaxweyne Ali 1) Guureh 2)Jiide 3)Gariire 4)Akisho 5)Layiile 6)others *Maahe Dir Maxamed Xiniftire Biyamal Isaaq Gaadsan Bajimaal Dabruube Suure (caballe & Qubeys) Magadle Quranyow maxamed(Gare) Barsuug Madigaan Dir Rooble *Madaluug Madaluug (southern Madaluug) Gadabuursi * Maddoobe shanta Ciise Wardiiq Hawlgati Other smaller clans *Qaldho Dir Noole

(Posted by guest: Alas)
posted to The Suure Dir. at Sat Feb 28 14:59:34 EST 2004.
Reply
Afhayeenka ururka SSNM Md.Awliyo oo faahfaahin ka bixiyay dagaalkii Xeraale. Afhayeenka ururka SSNM Cabdullaahi Xuseen Aybakar kuna magacdheer AWLIYO ayaa ka waramay siduu udhacay dagaalkii dhexmaray beelaha Mareexaan iyo Fiqi Muxumed waxuuna yiri isagoo u waramayay saxaafadda: Goor hore oo ah subaxnimadii taariikhdu ahayd Febraayo 29,ayaa maleeshiyada beesha Mareexaan waxay sidii caadadu uahayd duulaan gardarao ah ku soo ekeeyeen dhammmaan wadooyinka laga galo magaalda xeraale,duulaankaas oo sida laga warqabo ujeedadiisu ahayd sidii loo baro kicin lahaa loona xasuuqi lahaa beesha Reer Fiqi Muxumed oo ku caana dad ehlu diina oo waliggod cid ku gardaraysan.Haddaba siday qabto diinta Muqadaska ah waxay ku qasbanaadeen inay reer Xeraale Difacdaan Maatadooda,Maalkooda iyo xurmada ilaahay u abuuray adoonkiisa oo ah inuuna wax dulmin isna qaadan dulmi. Haddaba markii uu dagaalku socday uga yaraan 5 saac waxay dantu ku qasabtay kuwii soo duulay ee dulmi wadayaasha ahaa inay cagaha wax ka dayaan iyagoo ku hungoobay hamigoodii ahaa inay xasuuq gaystaan isla markaana deegaan hantiyaan,beesha mareexaan oo ku caan baxday inay isku raacaan gardarada iyo duulaan lagu qaado dad kale sida ay ka marqaati kacayso taariikhdu oo 21kii sano oo ay dalka hogaaminayaan waxay soomaali u gaystaan la wada ogyahay, Waxuu afhayeenku xaqiijiyay oo uu yiri.waxaa halgamayaashii xaq udirirka ka shahiiday hal mujaahid halka labo kale ay ka dhaawacmeen oo dhaawacoodu mid khafiif yahay halka daaquudyada waa siduu hadalka udhigaye ay ka dhinteen 12 nin ugu yaraana ka dhaawcmeen 19 daaquud labo baabuur oo ah kuwa dagaalkana looga gubay dulmiwadayaasha mareexaan,Md.Awliyo waxaa caalamka iyo inta jecel nabada ugu baaqay in si wadajir ah loogu guntado sidii loo joojin lahaa gardarada iyo gumaadka ay wadaan beesha Mareexaan oo xitaa markii looga soo baro kacay degaanada lala degi jiray ee ku teedsanaa balanabal iyo Caabudwaaq ina hadda wadaan Isir sifayn (ethnic cleansing) ku aadan reer Fiqi Muxumed ayuu yiri afhayeenku. Waxuu kaloo afhayeenka SSNM aduunka caalamka ka codsaday in si degdeg gurmad loola soo gaaro qoysas badan oo ku baro kacay duulaankaas,iyagoo dadkaasi ayna haysan biyo iyo baad oo degaankii laga cabi jiray ay saameeyeen degaalkaas joogtada ah oo ay soo qaadayaan beesha Mareexaan. xeraale.com

(Posted by guest: Rooble)
posted to The Suure Dir. at Wed Mar 03 22:27:30 EST 2004.
Reply

karaaye
MADALUUG SAGAAL BUU UKALA BAXAA WUXUNA KAMIDYAHAY BEESHA MAXAMED XINIFTIRE EE KOR KAMA YIMAADEE YAAN WAX LEYSKU KHALDIN WAXAAN DUSHA KU ARKAY TAARIIKH KHALDAN OO AAN SAXNEYN WARSAME CAWAD MEELKALUU WAX KU QORAYNA WAAX ARKAY KHALAD WEYNA KUJIRA BALSE DHABTII WAXAYTAHAY IN INTAAN WAX LAQORIN LADARAASEEYO WAX LAGA WEYDIIYO DADKA EHELKA U AH TAARIKHDA IYO DEEGAANKA WAXKASTOO MEELLAGUQORANA DAD AKHRIYAA JIRA MARKA WARSAMOW INTA MAGACAAGA DHUMILAHAA AMA AAD NOQONLAHAYD NIN BEENSHEEGA MARKA HORE DARASA SAMEE INSHA ALLAAH
posted to The Suure Dir. at Sun Aug 08 18:42:11 EDT 2004.
Reply
Jilibyada Qubeys waa sidan: 1. Tolweyne (Bahda weyn) 1.1 Reytoonle/Toonle Qubeys 1.2 Axadoole Qubeys 2. Yabadhaale (Bahda yar) 2.1 Wayaagle Qubeys 2.2 Miidkasse Qubeys * Reytoonle Qubeys waxaa ku abtirsada: - Fiqi Cumar - Fiqi Walaal - Fiqi Yaxye * Axadoole Qubeys waxaa ku abtirsada - Cismaan Diidshe (Cismaaniyiinta) - Cabdalle Diidshe (Cabaasiyiinta) * Wayaagle - ToBeContinue * Midkasse - ToBeContinue

(Posted by guest: Abdi)
posted to The Suure Dir. at Sat Oct 09 16:28:44 EDT 2004.
Reply
Madkasse wuxuu u kala baxaa: 1. Axmed faarax 2. Afrax faarax

(Posted by guest: guest)
posted to Jilibyada Qubeys. at Fri Mar 18 18:52:23 EST 2005.
Reply

miidkase
Miidkase Qubeys dadkii waxkaqoray waxey ahaayeen dad qaldan mana ahan sideey uqoreen waxaana jirta boqolaal lafood oo aan ahayn Axmed Faarax iyo Afrax faarax,fadlan hadii ay ubaahantihiin lasoo xiriira Ugaaska Beesha Miidkase Cismaan Bile.
posted to Yabadhaale-Madkasse-Qubeys. at Wed Jan 16 01:16:57 EST 2008.
Reply

miidkase
Miidkase wuxuu dhalay Madoobe Miidkase oo ukala baxo Cofaa iyo Jabriil, reer Faarax barkaan waa lafo hoose ee haqorin hadaadan garaneynin.
posted to [no title]. at Wed Jan 16 01:36:01 EST 2008.
Reply
Wayaagle Qubeys wuxuu u kala baxaa sidan: 1. Yabarow 2. Cumar - Xassan 2a. Xassan - Cismaan - Xeefoow - Faarax - Maxamuud - Dhaayoow //Qubeys

(Posted by guest: Qubeys)
posted to Jilibyada Qubeys. at Sat Mar 19 11:40:14 EST 2005.
Reply
waxan ahay gabar qubeys ah waxan rabaa in aan si fiican u kala barto dirta oo dhan waxana ku noolahay talyaniga dad ayaa ugu yiri dir yey gashaa waxan ku jawaabay cidna ma gasho dir waa coos la fil. waad mahadsan tihiin sidas iyo nabad gelyo . waxan suga wa jawaab walaalayaal.

(Posted by guest: asha)
posted to The Suure Dir. at Thu Nov 25 16:17:25 EST 2004.
Reply
Asha ina abti marka hore waad salaman tahey, waadna ku mahadsan tahey isku deyga aad isku dey fahanka tolkaa, marka xigta hadaan usoo laanto dir iyo cida ey gasho walaal. Dir waxa uu kamid ahaa labdii wiil ee uu Irir Samaale dhaley midkood. labadaas wiilna waxa ey kala ahaayeen Dir iyo Hawiye, Dir ayaana curad kii ahaa, waxa eyna labadoodu ahaayeen ilma Irir Samaale halkaas oo ey hadana ka mid noqonayeen mid kamida Sagaalka ilama Samaale oo ah waxa ey Soomalidu ka soo farcantay walaal. markaa aan kusoo laabto kalmada ah Dir cows lafil walaal macnaheedu ma aheen abtir waxa ey aheyd in Dir uu yahey qabiil aad ubadan lasoona koobi kareyn amaba aan la tirin karey oo aad maalinba qoos cusub aad maqleyso oo aad horey umaqlin taa ayaa keentey in lagu qiyaaso cowska ileen nina cows matirin karaayee. Asal ahaanse Dir waa ina Irir Samaale walaal oo Hawiye ayeynu wada dhalaney walaalna nahey.hadaan ani ahaan isu kaasheego waxaan ahey Wiil Madaluug ahna Madaluuga qeyta Ethiopia Dagta. wasaalaamu caleykum walaal asha.

(Posted by guest: Jaamac Nuur)
posted to The Suure Dir. at Fri Dec 17 23:19:37 EST 2004.
Reply
Suure Dir waxa uu u kala baxaa Cabdalle and Qubeys. Qubeys- Reertoleh, Siinwaaq, Tolweyn. Cabdalle-- Afarta Cabdalle iyo adeerkood Habr Deel 1)Cabdi Cabdalle 2)Gorad Cabdalle 3)Nacdoor Cabdalle 4)Saleeban Cabdalle Sagalka Samater Muse * Reer Agoon * Reer Dabac * Fodcade, Cumar,Bayr, Siyad, Jilibyada Qubeys waa sidan: 1. Tolweyne (Bahda weyn) 1.1 Reytoonle/Toonle Qubeys 1.2 Axadoole Qubeys 2. Yabadhaale (Bahda yar) 2.1 Wayaagle Qubeys 2.2 Miidkasse Qubeys * Reytoonle Qubeys waxaa ku abtirsada: - Fiqi Cumar - Fiqi Walaal - Fiqi Yaxye * Axadoole Qubeys waxaa ku abtirsada - Cismaan Diidshe (Cismaaniyiinta) - Cabdalle Diidshe (Cabaasiyiinta) * Wayaagle - ToBeContinue * Midkasse - ToBeContinue Madaxweyne Ali 1) Guureh 2)Jiide 3)Gariire 4)Akisho 5)Layiile 6)others *Maahe Dir Maxamed Xiniftire Biyamal Isaaq Gaadsan Bajimaal Dabruube Suure (caballe & Qubeys) Magadle Quranyow maxamed(Gare) Barsuug Madigaan Dir Rooble *Madaluug Madaluug (southern Madaluug) Gadabuursi * Maddoobe shanta Ciise Wardiiq Hawlgati Other smaller clans *Qaldho Dir Noole * Dir clans who are naoted as Dir in Western sources Warday,Gabraha,Randile, Geeldhicis and others The Qaldho Dir include the Jarso,Babili, and Noolo.

(Posted by guest: Agoon)
posted to The Suure Dir. at Fri Feb 04 23:02:10 EST 2005.
Reply
Afarta Cadalle ayaa ugu curudsan . Maxamed - Soleeymaan - Cabdi - iyo Gorod. De ino so jawaaba .

(Posted by guest: Samatar)
posted to Caasha Qubeys Dir siduu u kala baxo iyo Surre siduu u kala baxo. at Thu Mar 31 22:27:28 EST 2005.
Reply
Afarta Cadalle ayaa ugu curudsan . Maxamed - Soleeymaan - Cabdi - iyo Gorod. De ino so jawaaba .

(Posted by guest: Samatar)
posted to Caasha Qubeys Dir siduu u kala baxo iyo Surre siduu u kala baxo. at Thu Mar 31 22:28:41 EST 2005.
Reply

Agoon
Nacadoor ayaa ugu Curadsan. 4 Cabdalle iyo adeerkood Habar Deel ayaa laysku yiraahdaa. Nacdoor Cabdalle Cabdi Cabdalle Goorad Cabdale Saleeban Cabdalle Iyo Adeer Habar Deel Magaca Nacadoor waa naaneys, waxana la sheegay barigii odeyga cabdalle dhimanayay ayuu afart wiil isugu yeeray iyadoo xili dagaal ay tahay oo uu sharaf iyo dad diin iyo imaan leh ilaahay igu barayay inay noqdaan. Maxamed Cabdalle ayaa wuxuu abihii u sheegay in ay arlada ay ku nool yihiin ay tahay arlo dagaal oo dagaal iyo xoog laysku sheegto markaa waxa uu ka dalbaday inuu wiilash xoog iyo xeelo dagaal ugu du'ceeyo. Odaygii Cabdalle oo ahaa wadad caalim aha ayaa waxa uu ku yiri Maxamed aabo "Naca ha dooran" anigu dagaal iyo dad dilnimo idinkuma duceeyn ee Diin iyo Imaam ayaan idinla rabaa. Calaa kuli xaal, Nacadoor waxaa qabsatay naáneystii maadama ay ahayeen taliyaysh reerka oo xili dagaal culus lagau jiran ay ahayeed.
posted to Cadalle. at Sun Apr 03 07:57:12 EDT 2005.
Reply
Salaama walaal Warsame anigu waxaa taagersanahay in aan waxba laqorin ilaama aad si wanaagsan u derisaye.

(Posted by guest: Cawil)
posted to The Suure Dir. at Wed Mar 30 22:18:49 EST 2005.
Reply
Salaama walaal Warsame anigu waxaa taagersanahay in aan waxba laqorin ilaama aad si wanaagsan u derisaye.

(Posted by guest: Cawil)
posted to The Suure Dir. at Wed Mar 30 22:22:34 EST 2005.
Reply

Agoon
Cawil Waa layska kaftamayaa waxana waa lakal fai'deysanayaa. Anigu ma sheeganayo in aan wax dheerada garanayo, laakin wixii aan meelaah ka soo maqlo ayaan shaacinayaa. Dirna hadaaba aan si fiican u kala bartay
posted to Samaroon. at Sat Apr 02 13:29:20 EST 2005.
Reply

Agoon
Abwaan Cabdi Muxumad Amiin” Mar baan gartay in ay qalad aheyd wixii la sameeyey Muqdisho Abwaan Cabdi Muxumad Amiin wuxuu ka mid ahaa abwaaniintii Soomaaliyeed ee soo maray hoboladii Waaberi ee Qaranka, wuxuuna ka mid ahaa abwaaniintii curiyey heeso isugu jiray Wadani, Jaceyl, & heeso lagaga soo horjeeday dowladdii Kacaanka ee uu madaxda ka ahaa Marxuum Max’ed Siyaad Barre, wuxuuna abwaanku saaka booqasho ku yimid xafiiska boggan ee Muqdisho. Abwaanka oo soo saare ka ah wargeys lagu magacaabo Dawan oo 15-kii cisho hal maalin soo baxa Muqdisho, ayaan waxaan weydiiyey dhowr su’aalo, waxaana su’aalihii aan weydiiyey ka mid ahaa. Abwaan Cabdi Muxumad, waxaad ka mid aheyd abwaaniintii ka qeybqaatay curinta heesihii shacabka lagu kiciyey 80-meeyadii ee lagaga soo horjeeday dowladdii Kacaanka aaqrikiina lagu riday, maxey aheyd ujeedada aad laheydeen xilligaa oo dowlad dhisan in aad ridaan ugu talagasheen, idinkoo shacabkiina u horseeday 15-sano oo fowdo & dowlad la’aan ah.? “Anagu horseed siyaasad ma aheyn oo hogaamiye ma aheyn oo bulshada kuma oran siyaasadaa & barnaamij-kaa baan idiin wadnaa ee na taageera, wax baa jiray oo dhib baa jiray xukuumadda markaa laga arkayey, samir darrada Soomaalida ayaanan qaladaad badan oo dhacay sabab u aheyd, sideedaba-na Soomaalidu waa dad reer guuraa ah oo aan wax sugid laheyn, hal ku dhiga weyn ee markaa jirayna wuxuu ahaa waxaan wax ka wanaagsan aan helno, kaas ayaan ku wada dagaal galeynay, wixii 15 sano dhacay kadibna waad ogtahay maxaad iga weydiin waxa dhacay ka daroo dibi dhal, Mar baan gartay in ay qalad aheyd wixii la sameeyey” Su’aal kale ayaan weydiiyey Abwaanka oo aheyd, muddadii dalku dowlad la’aanta ahaa maxaa kuugu yaab badnaa.? “Yaababku waa tira badan yihiin oo in aanan la tiri karin ruuxeedaaba yaab ah, waxaase iigu yaab badnaa, iiguna dambeeyey nin oday ah oo mas’uul ah oo xildhibaan ah oo wasiir ah oo isbaaradii xalaaleeyey oo yiri isbaarada canshuur baa lagaga qaadaa shacabka ee dhibaato ma lahan, canshuurtana waxaa la siiyaa maleeshiyada-yda” Maxaad u soo jeedineysaa ummadda Soomaaliyeed ee qoraalkaaga aqrinaya.? “Ummadda Soomaaliyeed haddey yeeleyso waxaan ugu baaqayaa in loo soo noqdo wadaniyad & Soomaalinimo, qabiil meel lagu tegi waayaye dunidda inaga tagtay sidaan u tiigsan laheyn waxaa weeye in wadaniyadii Soomaaliyeed loo soo noqdo” Yaa iska leh eeda wixii dalka ka dhacay.? Eedeeda Soomaali baa leh, hubka wax xasuuqayna waa qabyaalad, kuligeenna waan leenahay haba la kal badsadee” Waxaan weydiiyey sida uu u arko dacwada lagu soo ooday saraakiil uu ka mid yahay Max’ed Cali Samatar oo ka mid ahaa saraakiishii xoogga dalka Soomaaliya kuwoodii ugu caansanaa, wuxuuna ku jawaabay “Max’ed Cali Samatar wax gaar ah ma sameyn oo ciidan buu ahaa amar un buu ku shaqeeyey”
posted to The Suure Dir. at Sat Apr 09 23:14:54 EDT 2005.
Reply

Agoon
Meanwhile, five sub-clans from the southern Dir clan cried foul over the process of arbitration following the distribution of parliamentary seats at the power-sharing and formation of an all inclusive Transitional National Assembly. Dr Abdiaziz Yusuf, the chairman of the south Dir sub-clans and the group’s spokesman, Mr Abdidahir Hassan claimed the Arbitration Committee at the Nairobi talks was compromised to deny them justice in their appeal. Dr Abdiaziz threatened to lead the clans in a walkout of the ongoing peace talks in Nairobi unless their demands are met within the next two weeks. The sub-clans are demanding to be accorded more seats at the assembly and claim that their northern Surre sub-clans counterparts have been favoured. Separately, the Chinese Government yesterday donated Sh8 million ($100,000) towards Somali National Reconciliation conference. Chinese ambassador to Kenya Guo Chongli said the amount would be used in the Somali peace process, currently facing financial difficulties. Present were ministers Ali Chirau Mwakwere (Foreign Affairs) and Kalonzo Musyoka (Environment and Natural Resouces) among others.
posted to The Suure Dir. at Fri Jul 01 02:16:26 EDT 2005.
Reply

Geesi
GOORTII DHULKAYAGII LA QEYBSADAY! Casharkii XXI-aad S. Enow Marka ay xoogagga gumaystayaasha ah inooga imanayee dhulka xeebaha ah, dadkayagii Soomaaliyeed ee ku noolaa gudaha, badankood waxay ahaayeen reer-guuraa xoolo-dhaqato ah. Halgankii ay kula tacaalayeen xaaladihii qallafsanaa ee noloshooda iyo colaadihii badnaa ee dhexdooda yiil ka sokow, waxaa jira weji qurux badan oo buuxinaya dadnimadii iyo garaadkii korranaa oo ay dadkayagu lahaayeen. Wejigaasi waa dhaqamadii ay haysteen iyo caadooyinkii uu gumaystaha ugu yimid, kuwaas oo ay kaga tallaabi jireen caqabadaha la soo dersa. Dhaqamadaas oo la oran karo waa kuwo salka ku haya caqiidada ay aamin-sanaayeen ee Islaamka ah, ayaa waxaa amaanay raggii u adeegayay gumaystayaasha ee Soomaalida wax ka qoray. Haddaba intaynaan u gudbin bilowgii hooshka ku dhacay dadkeenii, waxaanu yara milicsaneynaa muuqaallo kamid ah dhaqamadii wanaagsanaa ee aanu ka soo gaarnay facihii uu gumaysiga hooshay. Dhinacyada aanu tusaalaha u soo qaadanayno waxay yihiin : 1. Qabiilka iyo Qabyaaladda 2. Golaha Lagu Garramo 3. Xeerka Mageydada Qabiilka wuxuu ahaa saldhigga nolosha siyaasadeed ee baadiyaha. Reer miyigu waxay hanaankan qabyaaladda u kaashan jireen in ay timaaddadooda ku mala awaalaan, tagtadoodana ay ku xafidaan tay joogaanna ay ku maamushaan. Dhibaatooyinka siyaasadeed ee la soo gudboonaada, hadday tahay mid beesha gudaheeda ah, mid beelo kale kaga timid, iyo hadday tahay mid kaga timaadda qowmiyadaha la deriska ah (Carab, Xabashi, Oromo, Cafar, Baantuu), intuba maareyntooda waxay ku jaan go´naayeen hannaanka is-bahaysi ee uu qabiilku lahaa. Waxaa qabiilka ku ururusanaa xubnaha beelaha, isla markaasna wuxuu wanaag ku xiriirin jiray qofka iyo bulshada uu la nool yahay. Wuxuu hor taagnaa in uu qof qalaad ku milmo beel uusan u dhalan, qofka aanan Soomaaliga ahayna waa uu kasii xag jiray. Qabiilka Soomaalida waxaa u saldhig ah silsiladaha abtirsiinyo geneology oo ay facaha reer guraagu u yeerin jireen caruurtooda, taasina waxay dowr wayn ka cayaari jirtay ilaalinta sharafka, maalka iyo nafta qofka reer guraaga ah. Waxaa xusid mudan, gulufyadii colaadeed oo soomaalidii xoolo-dhaqatada ahayd ay ku dhul fidsanayeen, qabiilku wuxuu ahaa mu´asasadda keliya oo ay geel-jirtu ka helayeen taakulaynta. Soomaalida reer miyiga ah wax ay dusha ka xafidaan waxaa agtooda ugu qiima waynaa quraanka iyo abtirsiga uu qofku leeyahay. Dugsiyada barashada abtirsiga waxaa macallin ka ahaa hooyada oo goor hore ilmaha u bilowda casharrada dhaqanka ee lagu xafidsiinayo abtirsigooda, kaas oo garab socday barista ilmaha la barayo afkooda hooyo. Sidaa darteed baa abtirsiga beelaha Soomaaliyeed wuxuu ka nabad galay in dibadda laga fara geliyo. Arrintaasi Soomaalidii xoolo-dhaqatada ahayd waxaa ay siisay xiriir adag oo aanan la dhex geli karin oo ay isku ! ! gartaan isuguna hiiliyaan. Sheekooyinka xiisaha leh oo inoo tilmaamaya urursanaanta qabiilka, waxaa kamid ah tii dhexmartay Ugaas Maxamuud Dhoore oo u dhashey beesha Mareexaan iyo sarkaal talyaani ah oo masuul looga dhigay degaanka waqooyiga Juba. Sarkaalku mar uu damcay in uu tiriyo geela beelaha Mareexaan ee ku dhaqan gobolka Gedo, ugaaska ayaa ka diiday oo ku yiri : " Geela Mareexaan oo aad tirokoobtaa waxaa kaa xiga xusulkaaga oo aad leeftaa ". Sarkaalka oo aanan dareensanayn in xusulka aanan la leefi karin ayaa isku dayay in uu xusulkiisii leefo, markuu carrabka la gaari waayay ayuu ugaaskii la hadlay oo uu ku yiri : " Haddii aan cududda jebiyo, markaas xusulka carrabka waan la gaarayaa ". Ugaaskii : " Taas macnaheeda sow maahan in dhibaato faraha lala galo ". Sarkaalkii : " Haa ". Ugaaskii : " Dhibaatadaas ayaa kaa xigta geelayaga oo aad tirisaa ". Beelihii Mareexaan waxay ku shireen meel la yiraahdo Yaaq, halkaas oo ay ku guddoonsadeen in ay muddo 24 saacadood ah ay geelooda ka tallaabiyaan xuduudda. Dhacdadaas waxaa loo yaqaan Seero Goys. Talyaanigii wuxuu la yaabay sida fudud oo ay isu ururiyeen iyo degdegta ay go´aanka ku fuliyeen. Sir. Kirk oo ahaa qunsul u fadhiyay dowladda Ingiriiska jasiiradda Sensibaar xilligii uu gumeysiga inoo imanayay, ayaa waraaq uu Soomaalida kaga hadlayay wuxuu ku qoray sidan : " Soomaalida ku nool koonfrta Soomaaliya waxay la dhaqan yihiin kuwa waqooyiga deggan. Waa dad urursan, dagaal yahanno ah geesinimona u dheertahay oo islawayn. Sidaa darteed waa howl adag in aanu ka dhaadhicinno in aanu nahay dad ka sarreeya ". (Kirk to Granville. dispatch No. 18. January 17. 1885). Sida uu qunsulku sheegay, qabiilku waa urur-bulshadeed xoog leh oo ay beeluhu isaga war-qabaan. Waxaa kale oo nadaamka qabiilku uu xambaarsanaa aragti isla weyni ah, taas oo qofku uu ku ilaalinayo sharafta beesha, isaguna uu iska ilaalinayo in uu ceeb iyo magac xumi ku kordhiyo dadka uu abtirsiinyaha la wadaago. Arrintaasi waxay ku reebtay reer miyigii Soomaaliyeed islaweyni guud oo ay beelaha Soomaaliyeed qabeen. Isla-weynida shakhsiyadda soomaaliyeed ee reer miyiga ah, inbadan waxaa xusay ciidamadii gmeystayaashii reer Yurub qeybahoodii hore ee Soomaaliya yimid, kwaas oo la kulmay dhaqankii caafimaadka qabay iyo caadooyinkii ay haysteen xubnihii beelaha xoolo-dhaqatada ahayd. Jeneral Douglas Jordin oo ahaa ninkii jebiyay Daraawiishta, buugiisa The Made Mullah of Somali-land wuxuu ku qoray sheeko dhex-martay sarkaal Ingiriis ah iyo nin reer miyi ah oo ku kulmay magaalada Berbera. Sheekadu waxay u dhacday sidan : Sarkaalkii : Dadka dunida yaa ugu sareeya ? . Geel-jirkii : Soomaalida iyo Ingiriiska. Sarkaalkii : Yaa ku xiga ?. Geel-jirkii : Carabta. Sarkaalkii : Haddii idinka iyo annaga aanu simanahay, sidee bay u suragashay in aanu idiin imaano oo aanu maamul idiin samayno. Geel-jirkii : Fursad ayaad hesheen oo keliya. Haddaan annagu fursaddaa heli lahayn annaga ayaa idiin iman lahaa oo maamul idiin samayn kahaa. Waxaa kale oo iyaduna dhacday dood dhex-martay sarkaal Talyaani ah iyo nin kamid ahaa ciidamadii boqor Cismaan oo maxbuus ahaan loo soo qabtay markii uu Talyaanigu ku guulaystay dagaalladii uu ku qabsaday gobollada waqooyi-bari. Sarkaalkii ayaa waxaa la hor-keenay ninkii maxbuuska ahaa, dabadeed wuxuu ku yiri : " Rafaadka dadkaagii ka muuqda iyo halaaga degaankiinii qabsaday, sow idiin kagama wanaagsanaateen in aad nala heshiisaan oo aad na oggolaataan ". Maxbuuskii baa jawaabay oo yiri : " Waagaan yaraa ayeeyaday baa waxay iiga sheekaysay Wan iyo Sagaaro sheekaystay. Wankii baa yiri Sagaaroy waxa kaa muuqda oo weyd iyo rafaad ah waxaa kuugu wacan markii aad qof aragto ayaad carartaa, sidaa darteed duur cidla ah ayaad ku bakhtidaa. Anigase meeshii baad iyo biyo leh waa lay sahmiyaa, markaasaa anigoo lay ilaalinayo lay geeyaa. Haddaba waxaan kugula talinayaa in aad isoo raacdo si ay diifta kaaga harto. Sagaaradii ayaa u jawaabtay oo tiri : Intii meel kasta oo wanaagsan lay sahmin lahaa, iyada oo lay ilaalinayona laygeeyo, dabadeedna anigoo qurxoon markii lay baahdo lay gowrici lahaa, waxaan door bidayaa in aan baahi iyo oon aan duurka la joogo ". Haddii aanu milicsano abtirsiga ay soomaalidu ka dhaxleen dadkooda reer miyiga ahaa, waxaan helaynaa dallad sare oo ay inta badan soomaalidu (92 %) ku abtirsadaan. Waxaa dusha sare kaga sugan magac wahmi ah oo ay Soomaalidu aaminsan yihiin in ay ka yimaadeen. Magacaasi waa odeyga la yiraahdo Hiil, kaas oo aanan la haynin wax magaciisa dhaafsiisan, markii laga reebo laba wiil ee uu dhalay oo lakala yiraahdo Sab iyo Samaale, kuwaas oo waalid u noqday dadka soomaalida ah intooda badan. Waxaa la sheegaa in Hiil uu yahay nin ka soo farcamay Cuqayl binu Abii Taalib oo ahaa suubanihii Maxamad ahaa (s. c. w.) ina adeerkiis. Xiriirka abtirsiinyo ee ka dhaxeeya Hiil iyo Cuqayl lama hayo, markiise sawir laga bixiyo silsiladda faceed oo ay leeyihiin durriyaddii Hiil waa sidatan : Hiil wuxu dhalay Sab iyo Samaale Sab wuxuu dhalay 1. Digil : (Jiiddo, Tunni, Gelledi, Dabarre Garre) 2. Mirifle : Siyeed (Elaay. Leysaan, Eemid, Diisow, Maallan, Wiin) iyo Sagaal (Luwey, Gellidle, Yantaar, Jilible, Hbeer). Samaale wuxuu dhaley Irir Irir wuxuu dhalay : 1. Hawiye. 2. Aji. 3. Mayle (Xawaadle). 4. Yaabur (Gaaljecel iyo Dagoodiye). 5. Maqaarre. 6. Gariire. 7. Xamarre. 8. Xariire. Hawiye wuxuu dhalay : Karanle (Murursade), Gorgaate (hiraab), Gugundhabe (Baadi-cadde). Jambeelle (Ajuraan). Aji wuxuu dhalay :Dir, Dangolo. Dir wuxuu dhalay : Madaxweyne (Akishe), Mandaluug (Gadabiirsay), Madoobe (Ciise), Mahe (Isaaq, Biyamaal iyo Surre). Dangolo wuxuu dhalay gabadha la yiraahdo Doombiro. Doombiro waxaa guursadey Daarood, waxay u dhashay : Maxamed(Kablalax), Axmed(Sade), Xuseen(Tanade),Yuusuf(Awrtable) iyo Ciise. Kulminta uu qabiilku isu geeyo beelaha reer miyiga ah ayaa waxay sabab u noqon jirtay in ay ogaadaan qofka socotada ah la soo dersa. Maadaama dhulkeena uu ku yaal meel u furan aduun waynaha oo uu xeeb dheer leeyahay, waxaa dhici jirtay in dadka badaha maraya ay ku soo leexan jireen. Qabiilku wuxuu ahaa hnaaanka bulshadeed ee diiddanaa in inta leyna dhex-qaado leynagu milmo. Magacyada guud oo uu qabiilku lahaa ka sokow waxaa jiray magacyo beel-hoosaad lineage segments oo ku jaango´an abtirsiga dhow ee qofku leeyahay. Arintaasi waxay beelaha isugu xiraysay qaab ciidan oo kale (Gaas, Guuto, Urur, Horin, Koox iyo Unug). Qabiilkuna wuxuu lahaa Tol, Qabiil, Reer, Jilib, Jifi iyo Qoys. Taasi waxay dhalisay in xubnaha bulshadu ay si xoog leh isaga war-qabaan, iyaga oo ku dadaali jiray in si wadajir oo heer beeleed ah ay uga hor-tagaan dhibaatooyinka nolosha. Suugaanta Soomaalida waxaa ku badan abwaano tilmaamaya arrintaas oo weliba muujinaya sida uu qofka Soomaaliga ahi ugu qanacsanaa abtirsiga uu leeyahay. Xaaji Cali Cabdiraxmaan ayaa dareenka noocaas ah tilmaamay mar uu abtirsigiisa ka warramayay isaga oo leh : Baha baha hadday noqoto bahda Haajiraan ahay Binu Cuqayl biyaha Jeberti nin ka beermay baan ahay Daarood bartiis iyo beerkiyo laftaan ahay Dadku baari kala roone baafane Hartaan ahay Majeerteenka sida buurta u ballaartay baan ahay Boqorku waa Jibraahiile anna baashigaan ahay. Cumarkaa burhaantiis bogga loo geshaan ahay Sidoo kale ayaa waxaa tilmaamay oo abtirsiinyahiisa ku faanay Jaamac Axmad Jaamac (Gacma-dheere). Jaamac wuxuu yiri : Abtirsiinyo guudnimo haddii la isu geed xaadho Gobta reer isaaaq baan ahiyo gaanka xoogga lehe Haday qoloba gooni u baxdo oon gaar u kala qaado Muusaha garkaa bari degee guro fog baan sheegtay Reer Maxamedkaa Geela lehe gudub degaan sheegtay Samanaha xarrago gaanbiyee lagu gartaan sheegtay Guurtida Sanbuur iyo Cimraan lagu go'aan sheegtay Toljeclaha galbeed naga xigee gobolkayaan sheegtay Cumarkaa gardaafo iyo maag wax u galaan sheegtay Sayid Maxamad Cabdulle Xasan ayaa isaguna ka tegay raad suugaaneed oo uu ku muujinayo ku faanka abtirsiga qofku leeyahay. Sayidku wuxuu yiri : Ogaadeen haddaan ahay dad wow amar sareeyaaye Abtirsiinyaday waxay gashaa odeyo waaweyne Halkaan uga arooraana waa ubixi Daaroode Udgoonow Rasuulkiina waa ina adeerkeeye Asaxaabihii dhamaan ayaan ehel wadaagnaaye Proff. Hirschi, oo ah aqoonyahan raad xoog badan ku leh aqoonta bulsho-baradka social science , ayaa sanadkii 1974-kii wuxuu soo bandhigay aragti uu ku magacaabay Ilaalada Xiriirka Bulshada Control of Social Relation. Aragtidaas oo qiimayn ku yeelatay dadka ku howlan culuumtan, waxay tilmaameysaa in bulshada is-haysata oo is taqaan ay ku yartahay dhaqanka aan wanaagsanayn iyo akhlaaqda xun. Sanadkii 1990-kii waxaa aragtidaas ku raacay aqoonyahan kale oo Mareekan ah oo la yiraahdo Proff. Gottfrydson. Beelaha reer miyiga Soomaaliyeed waxay kamid yihiin bulshooyinka dunida ku yar oo sida xooggan uu beelaheedu qabiilku u xiriirsho. Taasi waxay dhaxalsiisay in ay si guud iyo si gaar ahba ugu faanaan dhaqanka wanaagsan oo ay ka heleen xiriirka adag ee dhexdooda yiil. .Casharadii hore Saadiq Enow
posted to The Suure Dir. at Sun Oct 23 08:47:07 EDT 2005.
Reply

ullaale
scw/wb walaal dhowr mar waan soo qoray qoraalo badan aad ku soo celisay ka hadalak sure walaal odaygii sure waxa uu dhalay guutoole iyo qubays marka odaygii guutoole waxa uu dhalay maxamed guutoole(habar deel) iyo c/lle guutoole afarta aderkood weeye laakiin ma ahan markii sure la sheegayo in c/dalle iyo qubays kaliya ayuu dhalay surre la yiraahdo oo h/deel la yiraahdo afarta c/lle adeerkood taasna qalad ban u arkaa inshaa allaah waa d fahantay baan u malaynayaa meesha sixitaankaa u baahan. wcw/wb
posted to The Suure Dir. at Sun Aug 05 02:56:04 EDT 2007.
Reply
Add: Photo | Video | New Post
View: Recent Photos | Recent Videos | Recent Posts | My Page | My Account

Global Coordinate ©2008 All rights reserved.