Language: English | Indonesian | 日本語 | Tagalog | Tiếng Việt
Upload photo Show recent photos
Upload video Show recent videos
Submit new post Show recent posts
Start a new group
My page My account My picture Change password



Signup

Cabdi Warsame Isaaq oo Saamaxaad Waydiistay Shacbiga Reer Somaliland

Cabdi Warsame Isaaq oo Saamaxaad Waydiistay Shacbiga Reer Somaliland [News Category - Posted by Libaaxyare on Tuesday, 5 August 2003, 13:30:07 GMT] “Anigu oo ka mid ah Golihii Sare ee Kacaankii 21kii Oktoobar waxaan saamaxaad weydiisanayaa shacbiga Somaliland” Cabdi Warsame Isaaq London (Jam)- Maalintii Khamiistii ee toddobaadkii aynu soo dhaafnay ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Galbeedka London, Cabdi Warsame Isaaq, oo ah guddoomiyaha ururka SSNM eeKoonfurta Soomaaliya, waxa uu kaga hadlay sidii uu uga raalligalin lahaa shacbiga Somaliland, Hagardaamooyinkii iyo dhibaatooyinkii uu maamulkii Siyaad Barre ee uu ka tirsanaan jiray u geystay shacbigaas. Haddaba, waxa shirkaasi Jaraa’id goobjoog ka ahaa Tafatiraha Wargeyska Jamhuuriya London, Cabdixakim Maxamed Sheekh, waxaanu nooga soo diray warbixintan: Ugu Horayntii Cabdi Warsame Isaaq wax uu akhriyay qoraal uu kaga waramayo sababta ku kalifay in wakhtigan uu soo bandhigo fikraddan, Haddaba qoraalka uu ka hor akhriyay Saxaafadda Waxa uu u dhignaa sida: “Aniga oo ah Cabdi Warsame Isaaq, ahna Guddoomiyaha SSNM horena u ahaan jiray Golahii Sare ee Kacaanka Soomaaliyeed ee dhashay 21Kii Oktobar 1969.Waxan go’aan ku gaadhay inaan ummaadda Soomaaliyeed aan soo hordhigo fikrad aan muddo aad u dheer ka fakerayey, anigoo si wanaagsan uga baaraan deggay. Waxaanse marka hore llaahay ugu mahadinayaa inuu igu soo simay wakhtigan maanta aan helay fursad aan ku caddeeyo fikraddaas Caafimaadka qabta.Waxaanse haddaba maanta oo ay taariikhdu tahay 31/07/03 aan ummadda Somaliland waydiisanayaa saamaxaad, aniga oo halkan uga soo gudbinaya tacsiyad ummadda Reer Somaliland, taas oo aan uga tacsiyadaynayo dhibaatadii xoogga lahayd ee ay dawlladdii aan ka midka ahaa ay soo gaadhsiisyay ama u geysatay shacbigaas sannadihii 1982 ilaa 1990. llaa haddana aan cidi uga tacsyaidayn Aafooyinkii loo geystay. Kuwaas oo ay ka mid ahaayeen in loo soo kiraysto calooshood u shaqaystayaal shisheeye ah, loona qorsheeyey in la tirtiro.” Ka dib markii uu qoraalkan akhriyay Cabdi Warsame Isaaq ayaa su’aalo dhowr ah ay weydiiyeen Suxufiyiintii shirkaa jaraa’id ka qaybgalay. Su’aal: Maadama aad ka mid ahayd masuuliintii saresare ee xukuumaddii Siyaad Barre oo aad adigu Maanta garatay in burbur iyo dhibaato loo geystay shacbiga reer Somaliland, Maxaad shakhsi ahaan talo iyo tilmaanba aad odhan lahayd dadkii kale ee aad ku wada jirteen xukunkaa ee madaxda ahaa ee qaarkoodna iyagu ka qaybgaatay, dhibaataddii loo gaystay shacbiga Somaliland sidii aad warsaxaafadeedka ku sheegtay? Jawaab: Waxaan dadkii ka tirsanaa xukuumaddii Siyaad Barre odhan lahaa ama ka codsan lahaa inay ila wadaagaan fikirkaa aan qabo oo ay dadkii dhibaatadaasi gaadhay ula kacii ay cafis waysiistaan, isla markaana aqoonsadaan in shacbigaasi loo geystay dhibaato weyn oo ku noqotay shacbiga Reer Somaliland boog aan qarsoonayn. Haddaan iyada wax ka idhaahdo arrinta goonni-isu-taagga Somaliland, waxa jirtay in madaxda Somaliland hadday noqoto Madaxweynihii dhintay Cigaal iyo kuwan dambeba ay ku celceliyaan waar horta yaanu la xaajoonaa ee aanu kala hadalaa Midnimo ama goonni-istaag ma meel dab ka baxayo. Soomaalidu waxay tidhaahdaa oodo dhacameed siday u kala sarreeyaan ayaa loo kala guraa, waa in marka hore koonfur xal loo helo. Markaa aniga waxay iila muuqaata in aanay munaasiba ahayn in arrintaa maanta laga hadlo ee horta koonfuri wax ha samaysato. S/ Maxaa kugu kelifay in aad arrintan imika ka hadasho oo aad hore uga hadli weyday? J/ Arrin waliba wakhtigeeda ayey leedahay waxaanan qabaa in ay mudan tahay maanta, maadama loo fadhiyo shir nabadeed ka socda Kenya, oo ku saabsan sidii loo nabadayn lahaa Koonfurta, oo aan loo baahnayn in la isku khaldo laba arrimood oo aan la odhan gobol hebel iyo gobol hebel, arrin walbana la siiyo culayskeeda oo Somaliland la siiyo culayskeeda iyo ahmiyadda ay mudan tahay. S/ Imika sida aynu ogsoonahay waxa ka socda shir dalka Kiiniya, marka aad arrinkan ka hadlayso ee Somaliland iyo shirka is waafajinayso miyaan loo arki Karin in ay tahay mid aad sumcad kaga doonayso somaliland? J/ Maya, ma aha mid aan wax kaga doonayo cidnaba, ee waa mid uu damiirkayga iyo fikirkayga xilkasnimo i siiyay, mana aha mid aan cid ku shukaansanayo si aan wax ugu helo, aniga ayuun buu damiirkaygu i siiyay, waana fikir in badan iga guuxayay. S/ Fikraddan ma kula qabaan xubnaha kale ee ururkaaga SSNM? J/ Haa, dad badan ayaa ila qaba, waxaana weeye in arrinta Somaliland si fiican looga baraan dego. S/ Sida aynu wada ogsoonahay waxaad ka mid ahayd Golihii Sare ee Kacaankii xukuumaddii Siyaad Barre, taas oo la odhan karo waxay masuul ka yihiin dhibaatooyinkii dhacay raalli gelintaadu ma mid adiga kuu gaar ahbaa, mise waa mid ay kula wadaagan raggii nidaamkii aad ka tirsanayd oo dhami? J/ Labadaba waan bixinayaa, balse haddaan dib ugu noqdo oo aan kuu fasilo hab-qaabeedkii Golihii Kacaanka, waxa 1976kii xilkii wakhtiga lagu wareejiyay oo la asaasay xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed oo la wareegay taladii waddanka, waxaana madax u ahaa shanta Guddiga Sare ee Siyaasadda, haddaba raalligalintayaduna waa ka mid ahaanshaha guud, balse wax talo ah fulinteeda kuma aan lahayn. Arintu siday doontaba ha ahaatee, dareenka Cabdi Warsame Isaaq muujiyey ee ku wajahan u tacsiyadaynta shacbiga Somaliland waa mid looga baahan yahay shaqsi kasta oo fikir iyo ficilba ka mid ahaa nidaamkii Siyaad Barre. jamhuuriya@hotmail.com Cabdi Warsame Oo Sheegay Inay Gooni Isutaaga Somaliland Taageersanyihiin Md Cabdi Warsame Isaaq oo ka mid ah siyaasiyiinta Dirta koonfureed oo u hadlayay saxaafadda Somaliland ayaa sheegay in ay taageersanyihiin mawqifka gooni isutaaga maamulka Somaliland iyo mawqifka ay ka qaadatay shirka kooxaha Soomaalida uga soconaya Kenya Cabdi Warsame ayaa ku dooday in ay dawladda Jabuuti wado hawlo ay ku hagardaamayso maamulka Somaliland isagoo intaa raaciyay in ay haddii ay yihiin Dirta Koonfureed taageersanyihiin gooni isutaaga Somaliland ,inkastoo uu sheegay inaysan ka helin Somaliland hiilki ay ka filayeen walaw uusan sheegin waxa uu ula jeeday hiilka laga sugayay oo ay ka dhawrayeen maamulka soomaliland . Cabdi warsame waxa uu sheegay in kala qaybinta Dirta ee koonfur iyo waqooyi ay tahay mid lagu doonayo in lagu duudsiiyo dirta koonfureed xuquuqda ay leeyihiin oo lagu dhacayo xubnah ay leeyihiin Dirta koonfureed . Md Cabdi warsame Isaaq waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta ugu cadcad dirta koonfureed isagoo horayna uga mid ahaa golihii sare ee Kacaanka xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumadii milteriga ee afka carada loo geliyay . C/llaahi khadar, goobjoog, Muqdisho Budbud33@hotmail.com www.yoobsan.com/warar.5july04.html Dirta koonfureed oo isku raacday shir guddoonnimada Col. Cabdi Warsame Isaaq Beelaha Dirta Koonfureed ayaa shalay isku raacay shir guddoonnimada Cabdi Warsame Isaaq markii ay in muddo ah kulamo uga socdeen magaalda Nairobi. Heshiiskaas ay beelaha Dirta Koonfureed gaareen ayaa lagu xaliyay kooxaha kala siyaasadda ah ee beeshaasi khilaaf u dhaxeeyay waxaana isu soo dhowaaday xubno ku kala jiray SRRC-da, TNG-da iyo kuwo madax bannaan oo shirka ku yimid ururada bulshada rayidka ah. Shirka oo ka dhacay Hotelka Chester House ee Nairobi waxaa lagu ansixiyay shir gudoonimada Beesha ee Cabdi Warsame Isaaq oo horeba loogu magacaabay, waxaana Siyaasiyiinta shirkaas ka qeyb gashay ka mid ahaa: C/llaahi Sheekh Ismaaciil, C/casiis Sheekh Yuusuf, C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi), Cabdi Warsame Isaaq iyadoo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen odayaasha beesha sida Ugaas Faarax Cabdi Sheekh, Ugaas Axmed Ugaas, iyo odayaal kale oo fara badan. Heshiiskan ayaa lagu muujiyay inay wadajir beelaha Dirta Koonfureed meel uga soo wada jeedaan shirka Kenya iyadoo aan lagu soo qaadin khilaafka kala dhaxeeya beelaha Dirta Koonfureed oo dhowaan gacan ka hadal dhex maray. Go’aanka Dirta Koonfureed ku ansixiyeen inuu shir guddoon noqdo Cabdi Warsame ayaa sii adkeynaya muran weyn oo beesha Dir dhex yaala kuna saabsan shaqsigii shir guddoonka shirka Sooamaalida uga mid noqon lahaa iyadoo Dirta Waqooyi ay jagadaas u magacawday kaasoo ku adkeystay inuu howshiisa sii wadan doono. Col. Cabdi Warsame Col. Cabdi Warsame Isaaq oo ka mid ah xubnihii ka qeybgalay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliy-eed ee magaalada Carta ayaa sheeg-ay in dowladda lagu dhisay Carta ay hirgeli doonto. “Soomaaliya way qaadatay dowladan waxayna noqotay midii ugu horeysay oo Soomaali dhibaat-ada uga baxdo isla markaasna ka sh-aqeysa horumarkeeda” ayuu yiri Ca-bdi Warsame Isaaq oo u waramayay weriye ka tirsan wargeyskan isagoo jooga dalka Jabuuti. “Wax siyaasad ah meesha ma jirto, aqoon la’aan iyo is afgarasho la’aan ayay arrinta xiritaankeyga ku timid mana la dhihi karo, mana jirto xurg-uf aniga iyo RRA noo dhaxeysay oo la igu xiray, markii dambena waan ka heshiinay wixii qaladaad ah ee dhacay, wax dhib ah oo la ii geys-tayna ma jirto” ayuuna yiri Col. Cabadi Warsame Isaaq oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qeyb gashay shirkii Jabuuti oo shalay Muqdisho ku soo laabtay isagoo ka mid ahaa wufuud balaaran oo garoonka B/doogle ay keentay diyaarad ay Jabuuti u soo kireysay. www.somaliawatch.org/arch...909104.htm www.somaliweyn.org/pages/...june10.htm BOQOLAAN KATIRSAN DIRTA OO U BADNEED REER KOOFUREED, SIYAASIYIIN WASIIRO UGAASYO Somaliweyn.com ( Nairobi 15/06/04 ) BOQOLAAN KATIRSAN DIRTA OO U BADNEED REER KOOFUREED, SIYAASIYIIN WASIIRO UGAASYO XILIBAANO IYO HOGAAMIYAAL KOOXEEDYO ISKUGU JIRA,AYAA SAAKA KU QAADAY HEESTA CALANKA SOOMAALIYEED WADOOYINKA MADASHA SHIRKA IYAGOO SOO MAGACAABAY XUBNIHII GUDIGA QILAAFAADKA XOOGHEENTII IYO SHIRGUDOONKII Shirkaas waxaa iskugu yimid Dirta koonfureed iyo koox reer waqooyi ah oo u horkacay Maxamed warsamed Waxaa goob joog ahaa Dr Cabdicasiis Sh Yuusuf Cabdulaahi Sh ismaaciil Cabdirixmaan Xaaji Adan Ibi Xuseen Geedi Jimcaale Ugaas Saalax Cabdi Nuur Ugaas Xuseen Xaaji Cumar iyo ugaasyo kaloo badan iyo mas uuliyiin kor u dhaafaya in ka badan Shboqoloo qofood Waxaa jiray in ay markii hore qorshuhu ahaa in ay utartanto shir gudoonka beesha Direed Drs Sakiyo Cabdi Salkaan laakiin iyadu ma aysan ku soo xaadirin goobta shirka laakiin waxaa markii danmbe dadkii meesha iskugu yimid aad ugu codeeyeen Col Cabdi Warsame Isaaq in uu noqdo Shir Gudoonka beesha Direed Waxaa meesha mar qura saameeyay sacab iyo sawaxan lagy taageerayo go aanka beeshu qaadatay oo runtii waxaa aad mooday in soomaaliya ay doowladi ka curatay Ibi ayaa dadkii meesha iskugu yimid ku boriyay in ay midnimadaas wadaan waxa kale oo uu ugu baaqay beelaha kale in ay raacaan wadada beesha direed IBI waxa uu si gaara ugu mahadceliyay Dr Jeeylaani Cali Kadiye isaga oo sheegay in uu aad iskugu dayay in uu mideeyo beesha isla markaana uu guushan soo hooyay Dr Jeeylaani Cali Kadiye oo ah Musharaxa madaxweeyna yaasha soomaaliya Ibi waxaa kaloo uu mahad aad ubadan u soo jeediyay Drs Sakiya Cabdi Salaan oo uu sheegay in ay adeerkeed uga tanaasushay xilka shirgudoonka Drs Sakiya Cabdi Salaan ayaa ii sheegtay in ay tahay qof aad unabad jacel aysana ka xumeen xilka adeerkeed damaaciyay waxa aan anigu ahaa qof jecel nabada oo aan marna jecleen in dad ay colaadi dhaxmarto marka waan ku qanacsahay waana uga tanasulay ayeey ii raacisay Adeerkeey Cabdi Warsame Isaaq Dr Jeeylaani mar aan asaga la xariiray waxa uu iimuujiyay in uu ku faraxsanyahay in dadku meel uun isku raaco waxa uuna ii sheegay in uu dadaal badan ku bixiyay midoowga beesha iyo midka soomaaliyeedba Magacyada xubnuhu waa kuwan Shir guddoon 1- Cabdi Warsame Isaaq Xoghayn 2- Saleebaan Yuusuf Cilmi iyo C/Raxmaan Ducaale Cali Guddiga Xallinta Khilaafaadka 1- Sayid Cali Maxamed Xubin 2- Muuse Xirsi Faahiye Xubin 3- Xasan Maxamed (Xasan Boolis) Xubin Dhab ahaantii waxaad mooday in waa cusubi maanta u baryay guriga shirarka soomaalida waxa ayna iyagoo heesaya soomareen wadooyinka madasha shirka soomaaliyeed Laakiin waxaan heshiiskaas iyo doorashadaas midna aan la maqashiin karin xubno ay ka mid yahiin Sh Xasan Isamaaciil Bili Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir Jaamac Maxamed Qaalib iyo mas uuliyiin kalo badan axmeddheere65@hotmail. KHILAAFKII DIRTA KOOFUREED IYO MIDA WAQOOYI OO ISKU BADALAY BAKOORADEEN MARKII Date: 14-5-1425 åÜ Topic: Wararka Somalida KHILAAFKII DIRTA KOOFUREED IYO MIDA WAQOOYI OO ISKU BADALAY BAKOORADEEN MARKII GALABTA SHIR GOGOL XAARA AY ISKUGU YIMAADEEN SHANTA SHIRGUDOON EE BEELAHA SOOMAALIYEED. Manta ayaa IGAD iskugu yeertay Shanta shirgudoon ee beelaha soomaaliyeed iyada oo lagu macneeyay kulankaas isbarasho isla markaasna larabay in loo sheego xubnahaas qaabka ay shaqadooda u wadan lahaayeen waxaana isla kulankaas la rabay in lagu dhaariyo xubno aan joogin maalinkii la dhaarinayay xubnihii gudiga khilaafaadka Laakiin intii uusan kulanku furmin ayaa waxaa meesha soo galay Dirta koofureed isla markaasna bakoorado ku bilaabay Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac oo isaga la sheegay in uu yahay shir gudoonka beesha direed xubnahan wax dilay waxa ay ku doodayeen in uu shirgudoonka beesha Direed ay udoorteen Col Cabdi Warsame Isaaq IGAD na ay ku badashay Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir Dilkaas loo Geestay Sifir ka dib waxaa la xiray 4 Edeeysane oo uu ka mid yahay Cabdulkadir Cali Shiddo, waxaa xilkii la wareegay Ciidanka amaanka ee madasha shirka soomaalida Jaamac Maxamed Qaalib ayaa ii sheegay in aysan waxba u arag dilka uga yimid walaalahood ayna diyaar uyihiin xalwalba oo lagu gaari karo nabad iyo in beeshu yeelato midoow kana gudubto khilaafka hareeyay 15 Juun ayeey aheed maalinkii ay wadooyinka xereda madasha shirka soomaalida ay socod ku soo mareen iyaga oo gacmaha is heesta Beesha Direed iyagoo ubadan Dirtta koofureed Waxa ay aheed maalin ay aad ufajaceen Ergooyinka beelaha kale ee ku sugan shirka runtiina waxaa maalintasi aheed maalin si gaara xasuus ugu leh beesha Direed iyo guud ahaan Ergooyinkaba qabiilooyin badan ayaana ku amaanay Midnimadooda Waxaa hadalo Qiiro badan goobtaas ka soo jeediyay Wasiirka Kheeyraadka ee DKG por Maxamed Xaaji Adan(Ibi) Dr C/casiis Shiikh Yuusuf Dr C/laahi Sh Ismaaciil Suldaan Xuseen Geedi Jimcaale iyagoo dhamaantood muujinayay Midnimadooda Saxaafadana u soo gudbiyay xubnihii gudiga khilaafaadka shirgudoonka iyo Xogheentii Waxa ay kor uqaadayeen Col Cabdi Warsame Isaaq oo ay sheegeen in ay u doorteen shir gudoonka xubnahaas waxa ay kala ahaayeen sidan Shir guddoon 1- Cabdi Warsame Isaaq Xoghayn Saleebaan Yuusuf Cilmi iyo C/Raxmaan Ducaale Cali Guddiga Xallinta Khilaafaadka 1 Sayid Cali Maxamed Xubin 2- Muuse Xirsi Faahiye Xubin 3-Xasan Maxamed (Xasan Boolis) Xubin Xaalku waxa uu saas ahaadaba oo farxadu socoto waxaa isla galabtaasi soo shaac baxay in uu beesha u dhaxeeyo khilaaf waxaana aan wareysi ugu tagay Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac(Sifir) waxa uuna ii sheegay in uusan raali ka aheen waxa ay Dirta koofureed soo magacaawdeen markaas ayaan weeydiiyay su aal aheed Su'aal Yaa kamida dadka aad idinku doorateen ka reer waqooyi ahaan? Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir waxaan gudiga khilaafaadka u dooranay Muuse Xirsi Faahiye (Gadabursi) Faarax Ismaaciil (Isaaq) Xoogheenta waxaan u dooranay Maxamed Cali Xaaji Ciise Shirgudoonkana waxaa loo doortay Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir Isaaq Markiiba waxaa dadku ogaadeen in beesha Direed khilaaf aad u badani u dhaxeeyo waxaase arinku si cadaaday markii ay wasiirada arimaha Dibada ee IGAD ay beelahaas ku wargaliyeen in ayu soo xaliyaan khilaafkooda xili wasiirada hortooda lagu dhaarinaya Xubnaha gudiga khilaafaadka Beelaha Daarood Hawiye Digil&Mirif Beeshashanaad laakiin beeshaas aan iyada looga yeerin goobtii dhaarinta khilaafkooda dartoot Maalinkaas waxii ka danbeeyay waxaa sii siyaada khilaafkii beeshaas dhaxdeda ahaa mana jirin kulan ay yeesheen beeshu oo lagu xalinayo khilaafka beesha hareeyay oo ah mid aan macno badneen laakiin lawaaya qalbi daacada oo xaliya khilaafkaas. WARCAD Aniga oo ah Cabdi Warsame Isaq ahna Guddoomiyaha SSNM horena u ahaan jiray Golahii Sare ee Kacaanka ee Somaliyeed ee dhashay 21Kii Oktobar 1969. Waxan go’aan ku gaadhay inaan ummaadda Somaliyeed aan soo hordhigo fikrad aan muddo aad u dheer ka fakrayey anigoo si wanaag uga baaraan deggay. Waxaanse marka hore llaahay ugu mahadinayaa inuu igu soo simay wakhtigan maanta aan helay fursad aan ku caddeeyo fikraqddas caafimaadka qabta. Waxaanse haddaba maanta oy taariikhdu tahay 31/07/03 aan halkan uga soo gudbinayaa tacsiyad ummadda Reer Somaliland taas oo aan uga tacsiyadaynayo dhibaatadii xoogga lahayd ee ay dawlladdii aan ka midka ahaa ay soo gaadhsiisyay amma u geysatay shacbigaas sannadihii 1982 ilaa 1990. llaa haddana aan cidi uga tacsidayn Aafooyinkii loo geystay. Kuwaasoo ay kamidka ahaayeen in loo soo kiraysto calooshooda u shaqaystayaal shisheeye ah loona qorsheeyey in la tirtiro. Shacbiga Somaliland waxaan u sheegaya in aniga iyo inta ila fikrada ah annu ka xunnayahay arrinkaas horena aannaan waxba uga qaban karaynin. Waxaan shacbigaa Reer Somaliland iyo dhammaan shacbiga Somaliya iyo shucuubta kale ee Somaliyeedba u rajaynayaa hore umar iyo nabad gelyo degdega oo waarta. Ugu dambayn waxaa rajaynayaa in ninkasta oo soo maray xil sare una usoo qabtay ummadda somaliyeed uu garto inuu saran yahay waajib iyo mas’uuliyad ku saabsan inay ilaaliyaan xuquuda ummadadda ay xilka u hayaan. Guul iyo Nabad Cabdi Warsame ISAAQ

(Posted by guest: rooble) posted to The History of the Dir People.. at Sat Apr 02 01:57:56 EST 2005.
Add: Photo | Video | New Post
View: Recent Photos | Recent Videos | Recent Posts | My Page | My Account

Global Coordinate ©2008 All rights reserved.