|
Signup
|
Dirta koonfureed oo isku raacday shir guddoonnimada Col. Cabdi Warsame IsaaqDirta koonfureed oo isku raacday shir guddoonnimada Col. Cabdi Warsame Isaaq Beelaha Dirta Koonfureed ayaa shalay isku raacay shir guddoonnimada Cabdi Warsame Isaaq markii ay in muddo ah kulamo uga socdeen magaalda Nairobi. Heshiiskaas ay beelaha Dirta Koonfureed gaareen ayaa lagu xaliyay kooxaha kala siyaasadda ah ee beeshaasi khilaaf u dhaxeeyay waxaana isu soo dhowaaday xubno ku kala jiray SRRC-da, TNG-da iyo kuwo madax bannaan oo shirka ku yimid ururada bulshada rayidka ah. Shirka oo ka dhacay Hotelka Chester House ee Nairobi waxaa lagu ansixiyay shir gudoonimada Beesha ee Cabdi Warsame Isaaq oo horeba loogu magacaabay, waxaana Siyaasiyiinta shirkaas ka qeyb gashay ka mid ahaa: C/llaahi Sheekh Ismaaciil, C/casiis Sheekh Yuusuf, C/raxmaan Xaaji Aadan (Ibbi), Cabdi Warsame Isaaq iyadoo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen odayaasha beesha sida Ugaas Faarax Cabdi Sheekh, Ugaas Axmed Ugaas, iyo odayaal kale oo fara badan. Heshiiskan ayaa lagu muujiyay inay wadajir beelaha Dirta Koonfureed meel uga soo wada jeedaan shirka Kenya iyadoo aan lagu soo qaadin khilaafka kala dhaxeeya beelaha Dirta Koonfureed oo dhowaan gacan ka hadal dhex maray. Go’aanka Dirta Koonfureed ku ansixiyeen inuu shir guddoon noqdo Cabdi Warsame ayaa sii adkeynaya muran weyn oo beesha Dir dhex yaala kuna saabsan shaqsigii shir guddoonka shirka Sooamaalida uga mid noqon lahaa iyadoo Dirta Waqooyi ay jagadaas u magacawday kaasoo ku adkeystay inuu howshiisa sii wadan doono. Col. Cabdi Warsame Col. Cabdi Warsame Isaaq oo ka mid ah xubnihii ka qeybgalay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliy-eed ee magaalada Carta ayaa sheeg-ay in dowladda lagu dhisay Carta ay hirgeli doonto. “Soomaaliya way qaadatay dowladan waxayna noqotay midii ugu horeysay oo Soomaali dhibaat-ada uga baxdo isla markaasna ka sh-aqeysa horumarkeeda” ayuu yiri Ca-bdi Warsame Isaaq oo u waramayay weriye ka tirsan wargeyskan isagoo jooga dalka Jabuuti. “Wax siyaasad ah meesha ma jirto, aqoon la’aan iyo is afgarasho la’aan ayay arrinta xiritaankeyga ku timid mana la dhihi karo, mana jirto xurg-uf aniga iyo RRA noo dhaxeysay oo la igu xiray, markii dambena waan ka heshiinay wixii qaladaad ah ee dhacay, wax dhib ah oo la ii geys-tayna ma jirto” ayuuna yiri Col. Cabadi Warsame Isaaq oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qeyb gashay shirkii Jabuuti oo shalay Muqdisho ku soo laabtay isagoo ka mid ahaa wufuud balaaran oo garoonka B/doogle ay keentay diyaarad ay Jabuuti u soo kireysay. www.somaliawatch.org/arch...909104.htm(Posted by guest: ulaale) posted to The History of the Dir People.. at Sat Apr 02 01:59:26 EST 2005. |