|
Signup
|
BOQOLAAN KATIRSAN DIRTA OO U BADNEED REER KOOFUREED, SIYAASIYIIN WASIIRO UGAASYOBOQOLAAN KATIRSAN DIRTA OO U BADNEED REER KOOFUREED, SIYAASIYIIN WASIIRO UGAASYO Somaliweyn.com ( Nairobi 15/06/04 ) BOQOLAAN KATIRSAN DIRTA OO U BADNEED REER KOOFUREED, SIYAASIYIIN WASIIRO UGAASYO XILIBAANO IYO HOGAAMIYAAL KOOXEEDYO ISKUGU JIRA,AYAA SAAKA KU QAADAY HEESTA CALANKA SOOMAALIYEED WADOOYINKA MADASHA SHIRKA IYAGOO SOO MAGACAABAY XUBNIHII GUDIGA QILAAFAADKA XOOGHEENTII IYO SHIRGUDOONKII Shirkaas waxaa iskugu yimid Dirta koonfureed iyo koox reer waqooyi ah oo u horkacay Maxamed warsamed Waxaa goob joog ahaa Dr Cabdicasiis Sh Yuusuf Cabdulaahi Sh ismaaciil Cabdirixmaan Xaaji Adan Ibi Xuseen Geedi Jimcaale Ugaas Saalax Cabdi Nuur Ugaas Xuseen Xaaji Cumar iyo ugaasyo kaloo badan iyo mas uuliyiin kor u dhaafaya in ka badan Shboqoloo qofood Waxaa jiray in ay markii hore qorshuhu ahaa in ay utartanto shir gudoonka beesha Direed Drs Sakiyo Cabdi Salkaan laakiin iyadu ma aysan ku soo xaadirin goobta shirka laakiin waxaa markii danmbe dadkii meesha iskugu yimid aad ugu codeeyeen Col Cabdi Warsame Isaaq in uu noqdo Shir Gudoonka beesha Direed Waxaa meesha mar qura saameeyay sacab iyo sawaxan lagy taageerayo go aanka beeshu qaadatay oo runtii waxaa aad mooday in soomaaliya ay doowladi ka curatay Ibi ayaa dadkii meesha iskugu yimid ku boriyay in ay midnimadaas wadaan waxa kale oo uu ugu baaqay beelaha kale in ay raacaan wadada beesha direed IBI waxa uu si gaara ugu mahadceliyay Dr Jeeylaani Cali Kadiye isaga oo sheegay in uu aad iskugu dayay in uu mideeyo beesha isla markaana uu guushan soo hooyay Dr Jeeylaani Cali Kadiye oo ah Musharaxa madaxweeyna yaasha soomaaliya Ibi waxaa kaloo uu mahad aad ubadan u soo jeediyay Drs Sakiya Cabdi Salaan oo uu sheegay in ay adeerkeed uga tanaasushay xilka shirgudoonka Drs Sakiya Cabdi Salaan ayaa ii sheegtay in ay tahay qof aad unabad jacel aysana ka xumeen xilka adeerkeed damaaciyay waxa aan anigu ahaa qof jecel nabada oo aan marna jecleen in dad ay colaadi dhaxmarto marka waan ku qanacsahay waana uga tanasulay ayeey ii raacisay Adeerkeey Cabdi Warsame Isaaq Dr Jeeylaani mar aan asaga la xariiray waxa uu iimuujiyay in uu ku faraxsanyahay in dadku meel uun isku raaco waxa uuna ii sheegay in uu dadaal badan ku bixiyay midoowga beesha iyo midka soomaaliyeedba Magacyada xubnuhu waa kuwan Shir guddoon 1- Cabdi Warsame Isaaq Xoghayn 2- Saleebaan Yuusuf Cilmi iyo C/Raxmaan Ducaale Cali Guddiga Xallinta Khilaafaadka 1- Sayid Cali Maxamed Xubin 2- Muuse Xirsi Faahiye Xubin 3- Xasan Maxamed (Xasan Boolis) Xubin Dhab ahaantii waxaad mooday in waa cusubi maanta u baryay guriga shirarka soomaalida waxa ayna iyagoo heesaya soomareen wadooyinka madasha shirka soomaaliyeed Laakiin waxaan heshiiskaas iyo doorashadaas midna aan la maqashiin karin xubno ay ka mid yahiin Sh Xasan Isamaaciil Bili Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir Jaamac Maxamed Qaalib iyo mas uuliyiin kalo badan axmeddheere65@hotmail. KHILAAFKII DIRTA KOOFUREED IYO MIDA WAQOOYI OO ISKU BADALAY BAKOORADEEN MARKII Date: 14-5-1425 åÜ Topic: Wararka Somalida KHILAAFKII DIRTA KOOFUREED IYO MIDA WAQOOYI OO ISKU BADALAY BAKOORADEEN MARKII GALABTA SHIR GOGOL XAARA AY ISKUGU YIMAADEEN SHANTA SHIRGUDOON EE BEELAHA SOOMAALIYEED. Manta ayaa IGAD iskugu yeertay Shanta shirgudoon ee beelaha soomaaliyeed iyada oo lagu macneeyay kulankaas isbarasho isla markaasna larabay in loo sheego xubnahaas qaabka ay shaqadooda u wadan lahaayeen waxaana isla kulankaas la rabay in lagu dhaariyo xubno aan joogin maalinkii la dhaarinayay xubnihii gudiga khilaafaadka Laakiin intii uusan kulanku furmin ayaa waxaa meesha soo galay Dirta koofureed isla markaasna bakoorado ku bilaabay Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac oo isaga la sheegay in uu yahay shir gudoonka beesha direed xubnahan wax dilay waxa ay ku doodayeen in uu shirgudoonka beesha Direed ay udoorteen Col Cabdi Warsame Isaaq IGAD na ay ku badashay Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir Dilkaas loo Geestay Sifir ka dib waxaa la xiray 4 Edeeysane oo uu ka mid yahay Cabdulkadir Cali Shiddo, waxaa xilkii la wareegay Ciidanka amaanka ee madasha shirka soomaalida Jaamac Maxamed Qaalib ayaa ii sheegay in aysan waxba u arag dilka uga yimid walaalahood ayna diyaar uyihiin xalwalba oo lagu gaari karo nabad iyo in beeshu yeelato midoow kana gudubto khilaafka hareeyay 15 Juun ayeey aheed maalinkii ay wadooyinka xereda madasha shirka soomaalida ay socod ku soo mareen iyaga oo gacmaha is heesta Beesha Direed iyagoo ubadan Dirtta koofureed Waxa ay aheed maalin ay aad ufajaceen Ergooyinka beelaha kale ee ku sugan shirka runtiina waxaa maalintasi aheed maalin si gaara xasuus ugu leh beesha Direed iyo guud ahaan Ergooyinkaba qabiilooyin badan ayaana ku amaanay Midnimadooda Waxaa hadalo Qiiro badan goobtaas ka soo jeediyay Wasiirka Kheeyraadka ee DKG por Maxamed Xaaji Adan(Ibi) Dr C/casiis Shiikh Yuusuf Dr C/laahi Sh Ismaaciil Suldaan Xuseen Geedi Jimcaale iyagoo dhamaantood muujinayay Midnimadooda Saxaafadana u soo gudbiyay xubnihii gudiga khilaafaadka shirgudoonka iyo Xogheentii Waxa ay kor uqaadayeen Col Cabdi Warsame Isaaq oo ay sheegeen in ay u doorteen shir gudoonka xubnahaas waxa ay kala ahaayeen sidan Shir guddoon 1- Cabdi Warsame Isaaq Xoghayn Saleebaan Yuusuf Cilmi iyo C/Raxmaan Ducaale Cali Guddiga Xallinta Khilaafaadka 1 Sayid Cali Maxamed Xubin 2- Muuse Xirsi Faahiye Xubin 3-Xasan Maxamed (Xasan Boolis) Xubin Xaalku waxa uu saas ahaadaba oo farxadu socoto waxaa isla galabtaasi soo shaac baxay in uu beesha u dhaxeeyo khilaaf waxaana aan wareysi ugu tagay Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac(Sifir) waxa uuna ii sheegay in uusan raali ka aheen waxa ay Dirta koofureed soo magacaawdeen markaas ayaan weeydiiyay su aal aheed Su'aal Yaa kamida dadka aad idinku doorateen ka reer waqooyi ahaan? Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir waxaan gudiga khilaafaadka u dooranay Muuse Xirsi Faahiye (Gadabursi) Faarax Ismaaciil (Isaaq) Xoogheenta waxaan u dooranay Maxamed Cali Xaaji Ciise Shirgudoonkana waxaa loo doortay Dr Maxamuud Cabdulaahi Jaamac Sifir Isaaq Markiiba waxaa dadku ogaadeen in beesha Direed khilaaf aad u badani u dhaxeeyo waxaase arinku si cadaaday markii ay wasiirada arimaha Dibada ee IGAD ay beelahaas ku wargaliyeen in ayu soo xaliyaan khilaafkooda xili wasiirada hortooda lagu dhaarinaya Xubnaha gudiga khilaafaadka Beelaha Daarood Hawiye Digil&Mirif Beeshashanaad laakiin beeshaas aan iyada looga yeerin goobtii dhaarinta khilaafkooda dartoot Maalinkaas waxii ka danbeeyay waxaa sii siyaada khilaafkii beeshaas dhaxdeda ahaa mana jirin kulan ay yeesheen beeshu oo lagu xalinayo khilaafka beesha hareeyay oo ah mid aan macno badneen laakiin lawaaya qalbi daacada oo xaliya khilaafkaas. WARCAD Aniga oo ah Cabdi Warsame Isaq ahna Guddoomiyaha SSNM horena u ahaan jiray Golahii Sare ee Kacaanka ee Somaliyeed ee dhashay 21Kii Oktobar 1969. Waxan go’aan ku gaadhay inaan ummaadda Somaliyeed aan soo hordhigo fikrad aan muddo aad u dheer ka fakrayey anigoo si wanaag uga baaraan deggay. Waxaanse marka hore llaahay ugu mahadinayaa inuu igu soo simay wakhtigan maanta aan helay fursad aan ku caddeeyo fikraqddas caafimaadka qabta. Waxaanse haddaba maanta oy taariikhdu tahay 31/07/03 aan halkan uga soo gudbinayaa tacsiyad ummadda Reer Somaliland taas oo aan uga tacsiyadaynayo dhibaatadii xoogga lahayd ee ay dawlladdii aan ka midka ahaa ay soo gaadhsiisyay amma u geysatay shacbigaas sannadihii 1982 ilaa 1990. llaa haddana aan cidi uga tacsidayn Aafooyinkii loo geystay. Kuwaasoo ay kamidka ahaayeen in loo soo kiraysto calooshooda u shaqaystayaal shisheeye ah loona qorsheeyey in la tirtiro. Shacbiga Somaliland waxaan u sheegaya in aniga iyo inta ila fikrada ah annu ka xunnayahay arrinkaas horena aannaan waxba uga qaban karaynin. Waxaan shacbigaa Reer Somaliland iyo dhammaan shacbiga Somaliya iyo shucuubta kale ee Somaliyeedba u rajaynayaa hore umar iyo nabad gelyo degdega oo waarta. Ugu dambayn waxaa rajaynayaa in ninkasta oo soo maray xil sare una usoo qabtay ummadda somaliyeed uu garto inuu saran yahay waajib iyo mas’uuliyad ku saabsan inay ilaaliyaan xuquuda ummadadda ay xilka u hayaan. Guul iyo Nabad Cabdi Warsame ISAAQ Tirada guud ee beelaha dir waa 61 xubnood laakiin magacyadaan hada hayno waa 55 xubnood magacooda. inta kalena markaan helno ayaan soo qori doonaa. BEESHA DIR BIYA MAAL (lix xubin) 1. C/llaahi Shiikh Ismaaciil 2. Cabdi Warsame Isaaq 3. Prof. C/raxmaan Ibbi 4. Cumar Xasan Subeyr 5. Nuur Shiikh Xuseen (Addo) 6. Maxamed Xasan Fiqi 7. Maxamed Cusmaan Moostaro MADALUUG (hal Xubin) 8. Col. Xasan Buraale Maxamed WARDAAY (hal xubin) 9. Cali Xasan Guyow BEEJAMAAL (hal xubin) 10. Caasho C/llaahi Ciise ISAAQ (sideed iyo labaatan xubin) 11. Maxamuud C/llaahi Jaamac Sifir 12. Maxamed C/llaahi Xayir 13. Maxamed Cali Bilaal 14. Cali Maxamuud Cabdi 15. Ismaaciil Xasan Maxamuud 16. Subeer Diiriye Carab 17. Cabdalla Xaaji Cali 18. Axmed Ciise Cawaale 19. Maxamed Warsame Cali 20. Shiikh Xasan Bile 21. Cabdi Xaashi C/llaahi 22. Xuseen C/salaan Maxamed 23. Yuusuf Xasan Ibraahin (Dheeg) 24. Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) 25. Yuusuf C/llaahi Kaahin 26. Xasan Cumar Xuseen 27. Cabdalla Boos Axmed 28. Faarax Ismaaciil Xasan 29. Axmed Maxamed Suleymaan 30. Ismaaciil Xasan Jaamac 31. Axmed C/raxmaan Maxamed 32. Sahra C/qaadir C/raxmaan 33. Axmed C/llaahi Jaamac Daakir 34. Qadar Biixi Cali 35. Jamaal Xasan Maxamed 36. Faadumo Xasan Cali 37. Maxamed Cabdi Cawad 38. Maxamed Cusmaan Bul bul GADABUURSI (sagaal xubin) 39. Eng. C/kariin Cige Guuleed 40. Feysal Cumar Guuleed 41. Xaawo C/llaahi Qayaaad 42. Jaamac C/llaahi Coofle 43. Cabdow Maax Faarax 44. C/raxmaan Cusmaan Dirir 45. Xuseen Ceelaabe Faahiye 46. Muuse Xirsi Faahiye 47. Axmed Dhimbil Rooble CIISE (sideed xubin) 48. Maxamed C/llaahi Kaahin 49. Cusmaan Cilmi Boqorre 50. Maxamed Cali Xagaa 51. Cabdi Cumar Axmed 52. Maxamed Cali Daahiye 53. Axmed Cusmaan Jibriil 54. Seynab Maxamed Caamir 55. Sakariye Xuseen Aarre(Posted by guest: xassan) posted to The History of the Dir People.. at Sat Apr 02 02:01:15 EST 2005. |